Axkaamta Xajka
Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Qaybtii 3aad
Shuruudaha Xajka
Shuruudaha Waajibiya Xajka:-
in uu qofku Islaam yahay
in uu qaangaadh yahay
in uu dhan yahay maskax ahaan
in uu xor yahay
in uu sahaydi u ku bixi laha haysto
in uu wuxu raaci lahana haysto
in uu wadada maraya ay amaan tahay
in uu wakhti uu ku tegi karaa hadhay
Haweenaydu in ay hesho muxram kaxeeya
Arkaanta Xajka waxa ka mid ah:-
in uu Xajka xidho
in uu buurta Carafa istaago
in uu kacbada dawaafo toddoba jeer
orodka Safa iyo Marwa toddoba jeer
timaha oo la xiiro ama la gabsado
Fiiro Gaar ah (Arkaanta cumrada waxa ka mid ah in uu cimro xidho, dawaafna la yimaaddo, orodka Safa iyo Marwa, iyo in u timaha xiirto ama gaabsado.)
Waajibyada Xajka:-
in aad ka xidhato miiqaatkii lagu talagalay (Iminka qofka ka imanaya dibadda magaalada Maka waa kii Rasuulku CSW lahaa; qofka ka imanaya Maddiina ha ka soo xidho Xajka Dul-xulayfa, oo iminka loo yaqaan Abaar-Cali. Qofka ka imanaya Shaam oo ah dalalka dhaca galbeedka gacanka sida Ciraaq, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale ha ka soo xidho Xujfa. Qofka ka imanaya Najd oo ah dalalka gacanka hadda loo yaqaan ha ka soo xidho Qarnul-manaasiil. Yaman qofka ka imanayaa ha ka soo xidho Yalamlam.)
saddeexda buurood ee Jamalu-suqra, Wusda iyo Cuqba in qofku dhagaxaan ku tuuro saddeex cisho, Musdalifana habeen.
In aad ku barido Mina
La soco qaybta afaraad……
Talo iyo tusaalaba waa xaggiina
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Rakuub
Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com