![]() Links
Artical
(Guba ku xasuuso) waa tix gabay ah oo aan ugu jawaabayo Abwaan Xasan Guray oo tix uu leeyahay oo la yidhaahdo(Giblan), isaga oo ku halqabsanaya tix kale uu leeyahay nin la yidhaahdo Saleebaan midhiq oo la yidhaahdo(Gacan-maroodi).Written by: admin 1. Xasan gurayaw giblan iyo tixdaad gole-ka fuulaysay 2. Tixdaad gelbisee dhamaan uunka wada gaadhay 3. Tixdaad gamaanka fardaha gobolada ku jeedhay 4. Gacan-maroodi halqabsiga tixday gocatay laabtaadu 5. Waayaha is guray geyiga carbeed iyo keena kala guurka 6. Gedgedoonka waqtiga gelin hore galab iyo fiidba 7. Godob qabaha, gaalada cadhaysan iyo gaade is daba-meerka 8. Golofkiyo colaadaha laga shiday gebi islaamkoo dhan 9. Dar lagu goblamay geesiyada la dilay iyo kuwa la gaadaayo 10. Gumaro la kufrsaday gacmaha ubad laga jaray iyo duqay la gumaaday 11. Gantaalaha lala dhacay guryaha iyo gebi masaajiida 12. Taariikh guun ah geediga lumay guclo dibu-roorka 13. Dhaqanka galbaday diinta laga guuray garsoorka habaabay 14. Talo guracan gefka uumiyaha laga galay waa guul-dariyo ciile 15. Guulana waa yaqaan ruuxa gaysta goorta uu qabane 16. Afartaa ma gaydhadoo garnaqsi go’a ma dooyaystay 17. Gole laysu dhanyahay guurtidu fadhido gaw ma kaga siiyay 18. Gocashana xanuun lehe waxay gubaya hadaan gacalaw kuu sheego 19. Iga gunid garawshana i maqal gaarna ugu fiirso 20. Oo gabayguna waa murtiye, guba ku xasuuso 21. Inkastaad tix gudgude ah iyo gaydho soo kicisay 22. Oo geyiga soomaali dhamaaan gebi ahaan jiidhay 23. Oo goobo magacyadood iyo geedo badan sheegtay 24. Oo qabaa’iilka guud ee gudban guniyo baar eegtay 26. Oo Bariga iyo Galbeed goob walbaba istaagtay 27. Oo geeleena gebi iyo guunyada amaantay 28. Oo gadcasta, guurtida, geesiga iyo geel-jiraba sheegtay 29. Inkastaad giniga jaad lagu cuno gaar uga xanaaqday 30. Waa geed baas qadhmuun iyo gawracato jaane 31. Inkastaad garwaaqsatay dhirtuu guule inaga mamnuucay 32. Oo ay gedaa tahoo garaadkuna diidaynin 33. Dhalinteena galbatay ee tahriibta ku gu’doomay 34. Dubku hadii uu ku gariiray hablaa goodku ku casheeyay 35. Garbaduubka dar loo haystaa, haday gubayaan uurkaaga 36. Jaadkiiska qaarbaa guryo ugu xidhan oo gawda ku hayaaane 37. Oo ay garacyo u dhaleen iyo gabano shaydaaane 38. Waxa guhaadshee ubadka geeyay gabaahirta 39. Geyigoodii waxaa u diidee hanka geedka kaga laalay 40. Goobyaalka waxa ugu wacan guura bahalaynta 41. Gabaygaagu muu sheegin gefafkii dhacaye 38. Godobta insaan laga galay waa gunimo wayne 39. Gu barwaaqo ah geeloo inoo dhalay, gaanuhuna foofin 40. Oo dhibida baarqab golongolay guduud isugu yeelay 42. Oo haleelada guryaha tubani gununuc reemayso 40. Oo hadhuub gaalka caanuhu gingimanyihiin labada gooroodba 42. Oo la guursaday hablaha gaasiriyo luulba 43. Oo ay gogol nabada wada fadhiyaan Gacal walaaloobay 42. Ictiraafkina gedaanka saaranyahay, galabtii loo dhiibay 43. Kala geeye waa tuu qabsaday ee gudhiyay maandeeqe 44. Guricaska waatuu ina furay dulinku gawdiido 45. Hadii galad ay kuu tahay adiga geestaada 45. Abidkii guul ma dhalin, gebi ahaantiiye 46. Ma gudboona gocorka iyo geesiyada qaare 47. Gabayooxa gawre dhaxantuu ina badaybaa weli goohaaye 44. Godobtuu abuuraa weli gawda laysku hayaaye 45. Sahankuu gadhqaadaa, waa guul-dariyo 46. Midaan gaabinayn bay rabtaa oo geedi dheer rara’e 47. Axmedna garaad ma leh oo teena muu garane 48. Gurguurtaba ka daran ee geesi ha ku sheegin 49. Gabaygaana dib ugu noqo tixdaan giblan ku tilmaantay Muhumed Abdi Jama(Ilkacasse) Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |