Search Here:-

Aheey Qalbi adaginaa tixyar oo kooban oon kaga hadlaayo,aafada qabyaaladda iyo halkay soomaali dhigtay Hal-abuur Naciima Abwaan Qorane (maandeeq)

Written by: admin
Published: January 28, 2016     

naciima-abwaan-qoraneHal-abuur Naciima Abwaan Qorane (maandeeq) Waa tixyar oo kooban oon kaga hadlaayo,aafada qabyaaladda iyo halkay soomaali dhigtay. tixdaas oo la magac baxday Aheey Qalbi adaginaa waxaanay soo baxday  tariikhdu markay ahayd 01/13/2010…

 

  • Markaad noloshan qiyaasto
  • qiyaasteed qalin u qaado
  • qaskii dhacay iyo hayaanka
  • qabiil baw kaw ahaaye
  • intii hanad qiimo wayne leh
  • habeen dumay qiil la’aan
  • Qudhiyo nafsadiisa waayay
  • Intii hooyo qaayo badan
  • caruur iyo qoys walalo ah
  • Qisaas iyo hoog mutaystay
  • Qabiil baw sabab ahaayee
  • Aheey qabil adaginaa
  • Kol uun saw ma qoomamayno
  • Qabiilkku halkuu ina geeyay

 

 

  • Qabyaaladdu waa inkaar
  • Dadyahaw waa aafo qaran
  • Qumbaha subaggiyo xareedda
  • Nabadda way kaa qubtaa
  • Qaaxiyo waa cudur dilaaya
  • Quluubtay dhaawacdaa
  • Qof ay haysoon duloobin
  • Qaaradda wali laguma sheegin
  • Aheey qalbi adaginaa
  • Kol uun saw ma qoomamayno
  • Qabiilku halkuu ina geeyay

 

 

  • Dadyahaw waa qudhun aduun
  • Sun iyo waabay qadhmuun
  • Qalbiga way doorisaa
  • Qisaas bay kugu ridaa
  • Naftana way qiijisaa
  • Qaac iyo olol bay baddaa
  • Qofaad jeceshoo haldoora
  • Qudhiisay see jisaa
  • Aheey qalbi adaginaa
  • Kol uun saw ma qoomamayno
  • Qabiilku halkuu ina geeyay

 

  • Dadyahaw qiimihii wadaninimo
  • Qabyaaladdu kala wacnaatay
  • Dadyahaw qaranimada diiday
  • Dadyahaw qaayihii dhulkooda
  • Qabiillo dartood u dumiyay
  • Dadyahaw cadaw kala qoqobayee
  • Waliba aan ka qoomamoonin
  • Dadyahaw qaadhaan shisheeyiyo
  • Ummado kale quuda mooyee
  • Khayraadkeena qiimihiisa
  • Usoo qoda maatidiinoo
  • Macdan dhulka quuta diiday
  • Aheey qalbi adaginee
  • kol uun saw ma qoomamayno
  • Qabiilku halkuuna geeyay

 

  • Dadyahaw noloshaba ka quustay
  • Dadyahaw qaran dumiya mooyee
  • Qof qayb dhisa laga dhex waayay
  • Dadyahaw qoom jira ahaada
  • Qabyaaladdu kala wacnaatay
  • Dadyahaw qiimaha dhulkooda
  • Qurbaab iyo dumin ka doortay
  • Aheey qalbi adaginaa
  • Kol uun saw ma qoomamayno
  • Qabiilku halkuuna geeyay

 

  • Dadyahaw ku hirdamid qabiilo
  • Ku waayay halyay leh qiimo
  • Dadyahaw qaadkiyo qabiilku
  • Waxyiga kala qiimo wayn yay
  • Siyaasi dantii u qaydan
  • Dadyahaw jaamaha u qaaday
  • Aqoon yahan qolo u xadayn
  • Dadyahaw shilimada u quudhay
  • Dadyahaw qaybaha jidhkooda
  • Ku waayay qabiil u hiilin
  • Dadyahaw nabad qaayaheeda
  • U seegay qabiil u faydni
  • aheey qabil adaginaa
  • Kol uun saw ma qoomamayno
  • qabiilku halkuu ina geeyay

 

  • Waxaan taladii ku qayday
  • Dirsooc iyo kala qoqobid
  • Haddaan qaybina ku raynin
  • Quraankiyo diinta qaato
  • Ilaah qawl kiisa raaca

 

Nacimaqorane@gmail.com……….Naciima Abwaan qorane waa hal-abuur,Sugaan dhaadhi, iyo Qalin maal  somaliyeed

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60