Search Here:-

Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybaha 1aad ,2aad, 3aad iyo 4aad

Written by: admin
Published: June 9, 2016     

Axkaamta Ramadaanta

rakuub

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 1aad

 

Hordhac

Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn, waana in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan ina Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka inay wax tilmaanto mooyee, ee tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ayey si kooban ugu tidhi, “Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”

Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyada oo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynnu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.

Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaasna diintu la’aantii noqonmayso mid dhammays tiran, waana tiirka afaraad ee islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay in ay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.

Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto in uu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga, “Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, kaana anigaa leh (soonka), anigaana ka abaal celinaya.”

Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa inay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sida oo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.

Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT ‘Muxammed’, hase ahaate, waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen. Eeg aayadda Alle SWT ku leeyahay, “Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey ba loogu waajibiyey si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo.

Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT. Bal aynnu soo hor marino waxyaabaha soomka waajibiya:

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 2aad

                                                                                   

 

Waa ayo cidda  soonku ku waajiibayo?

  • Qofku waa in uu Muslim yahay
  • Qofku waa in uu qaangaadh yahay (qof aan qaan-gaadh ahayn laguma laha soon balse  haddii uu karayo loo diidi maayo)
  • Qofku waa in uu miyir qabaa oo maskax ahaan uu dhan yahay
  • Qofku waa inuu awood u leeyahay soonka (waxa meesha ka baxaya qofka da’da ah, ka xanuunsanaya, haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysa)

 

 

Hadmaad soomaysaa, maxaa se lagaa rabaa?

 

  • In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystirta.
  • Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay camal dhammaantii waa niyadda
  • In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).

Maxaa sunne ah?

  • In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW wuxuu lahaa qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha inuu sooman yahay iyo in kale. Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soomkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow
  • In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW wuxu yidhi, “Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan
  • In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynnu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican. Se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo. Muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta.

 

 

Maxaa soonka jabiya?

 

  • In aad diinta ka baxdo, waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib u islaamo
  • In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo
  • In gabadha caadadu ka timaaddo
  • In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaah maan iska jabiyaa)
  • In aad si ula kac ah iskaga hunqaaciso
  • In aad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si u kas ah
  • In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 3aad

 

Maxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?

  • In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan
  • In aad soonto sannadka oo dhan.

 

Maxa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?

  • In aad badiso xuska Alle SWT sida Quraan akhris badan, digri badan iyo duco badan ba
  • In aad wakhtiga ilaaliso (waa in ananu wakhtigu kugu dhaafin in aad lumiso sida adoo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda laadhuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aannu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaraan )
  • In aad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.
  • In aad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.

 

Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?

  • Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin wal ba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)
  • Qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo inuu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin inuu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gabowga ayaa laga afurrinaya)
  • Qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa).

 

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxa sunne ah in aad ku afurto timir, oo Asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska u wariyey “Rasuulku CSW wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.”

Sida oo kale Rasuulku CSW wuxuu ku dhiiri galiyey Asxaabtiisa in ay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuuna, culimada caafimaadku waxa ay dhiri galiyaan ku afuridda timirta iyaga oo sheega caloosha madhani inay ka helayso tamar wax ku ool ah, sida oo kale aanay caloosha galayn wax cillad ahi haddii lagu afuro timir iyo biyo.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

 

 

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 4aad

 

Faa’idooyinka timirta

Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, yada oo sidoo kale uu Rasuulku CSW ku booriyay ummadda in ay cunaan. Si gaar ah, waxay u wanaagsantahay marka uu afurayo qofku.

Haddaba, waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay.  Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in ay afar-laab laga helo tamarta laga helo tufaaxa; toddoba-laab tamarta laga helo liinta; saddex-laab tamarta laga helo shamaamka.

Daraasado badan ayaa muujiyay in cunnidda timirtu aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay ( 100 g oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalin laha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, bataasiyamta iyo sida oo kale kaalsiyamta.

Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahanyahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa; faytamiin A, faytamiin B ( weliba waa Faytamiin B2 ama Riboflavin qofba sida uu u yaqaano, thiamin).  Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo. ( Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin C).

Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsannahay – fuluwariin.  Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxa aad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi idni Allah.

Dheef-Shiidka:Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa  si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman. Tusaale ahaan, marka uu cuno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suubban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan in uu yidhi, “ Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aannu heysanna timir, haddii aannu helayna biyo; biyuhu waa daahir’e.”

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60