![]() Links
Artical
Axkaamta Xajka Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 1aadWritten by: admin Axkaamta Xajka
Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 1aad Hordhac
Mahad Alle SWT ka dib waxa aynnu si kooban uga hadli doonnaa axkaamta Xajka kolba haddii lagu gudojiro gudashadeedi. Waxa aynnu u fududayn doonna walaalaheenna gudanaya oo aynnu qormooyin kooban u gudbin doonno. Ugu horrayn Xajku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka. Waa waajib la ina faray in aynnu nolosheenna hal mar gudanno, sida Sarreeye suuradda Al Cimraan innagu faray— “Alle dadka wuxu furay in ay ku soo xajaan gurigiisa ‘Kacbada’, ruuxi kara.” Haddii aynnu macnayno erayga ‘Xaj’ af ahaan waxa uu noqonayaa ‘Qasdi’ aad wax u jeeddo. Shareeco ahaanna waxa ay noqonaysaa in aad u qasdido inaad kacbada Alle SWT tagto. Xajku waxa uu ahaa xilliyadii hore halka Muslimiintu ku kala war qaadan jireen, sida oo kalena waxqabad sannadeedka warbixinteeda ku heli jireen hoggaankii xilligaasi. Isla markaana badhasaabadiisa ku talo siin jiray. Xajku waa goob dadku Ilaahay SWT dartii u wada cawlnaanayaan, ugu daranyoobayaan, uguna dibjirayaan amarka Alle SWT. Lana wada siman yahay; mid xoog sheegta, mid xoolo haysta iyo mid magac isbidaba. Keliya waxa loo wada taagan yahay sidii loo gudan lahaa waajibkaa Korreeye faray. Iyaga oo meel wada seexanaya, meelna wada joogsanaya, ereyo simanna ku wada dhawaaqaya. Nebi Ibraahin iyo inankiisi Nebi Ismaaciil Ilaahay labadoodaba raalli ha ka ahaado e ayaa ay ahaayeen ciddii ugu horraysay ee dhiskaa binaysa. Sida Sarreeye suuradda Baqara ku sheegay, “Waxa aannu kula ballannay Ibraahin iyo Ismaaciil; in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya iyo kuwa ictikaafaya.” Sida oo kale waxa xusid mudan in kacbada ay ku soo duuleen xabashidii ka arriminaysay Yaman, iyada oo uu colkaa horboode u ahaa Abraha ninkii lagu magacaabi jiray. Wakhtigaa oo ku beegnaa dhalashadii Nebi Maxamed CSW. Abraha ayaa ka dhisay magaalada Sanca ee Yaman guri u eeg kacbada, sida mufasiriintu soo guuriyaan. Gurigaa oo aad u quruxsana, ka dib baa nin carbeed wax ka marmariyey, Abraha waa uu ka cadhooday waa uuna ku soo duulay si uu u burburiyo kacbada. Kolku soo gaadhay magaaladii Maka ayaa uu arkay, oo dhacay, geelii Quraysh. Cabdimuddalib oo Nebi Maxamed CSW awowgii ahaa ayaa u tagay Abraha iyo colkiisii. Cabdimuddalib waxa uu ahaa odaygii Quraysh sidaa ayaa uu ugu tegay in uu ka soo kaxeeyo geelaa laga dhacay. Kolku geelii wayddiistay Cabdimuddalib ayaa uu u sheegay in uu moodayey oday caqli badan. Waxa uu u sii raaciyey in uu u socdo kacbada burburinteed isna uu ka hadlayo geel. Cabdimuddalib waxa laga soo guuriya in uu ku yidhi; “Kacbada Ilaahay baa leh, isagaana ilaashanaya, ee xoolahayaga na sii.” Abraha iyo colkiisi kolkii ay u dhaqaaqeen dhanka kacbada ayaa maroodiyaashii ay wateen didmo ka muujiyeen in ay tallaabo u rogaan dhanka kacbada. Kolkii ay damceen in ay xoog ku kaxeeyaanna Ilaahay baa colkiisii u soo diray sida ay ka warrantay suuradda Fiil ee qisadaa ka sheekaysa: “War ma ka haysaa sidii uu ka yeelay Alle Colkii Maroodiga? Miyaanu ka yeelin shirqoolkoodii mid fashilmay? Korkoodana miyaanu u soo dirin shimbiro kooxo ah? [oo] ganaya dhagaxaan dhoobo ah, oo la dubay? Miyaanu ka yeelin bal la daaqay [iyagii]?” Waxa sida oo kale xusid mudan in dib-u-dhis lagu sameeyey kacbada xilligii Qurayshi deggenayd Maka. Waxa taariikhdu sheegtaa in ay yidhaahdeen, “Lagu dhisi maayo xoolo la soo dhacay, iyo xoolo ay leedahay haweenay xun.” Waa ta keentay in aan la gaadhsiin seeskii Nebi Ibraahin Cs. Quraysh ayaa ku heshiin wayday cidda dhagaxa dhigaysa kolkii ay kacbada dhiseen. Markii ay ismari waayen ayey talo ku gaadheen in qofka ugu horreeya ee albaabka kacbada ka soo gala ay taladiisa qaataan. Ilaahay waxa uu ka yeelay Nebi Maxamed CSW oo aan xilligaa nebi ahayn. Dabadeed gartii ayey u bandhigeen waxa uu kula taliyey in dhagaxa go’ la dhex dhigo dabadeed jilib wal oo Quraysh ka mid ahi dhan ka qabsado, si aan reer gooni ahi u sheegaan dhigidda dhagaxa. Sidaana lagu geliyo godka.
La soco qaybta labaad…… Talo iyo tusaalaba waa xaggiina
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-rakuub Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515 Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Rakuub.wordpress.com
Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |