Search Here:-

Bandowga iyo Dhallinyarta (I)

Written by: admin
Published: September 30, 2016     

 

Bandowga iyo Dhallinyarta  (I)

Markaad Maqasho Bandow,Maxaa Maskaxdaada ku soo Dhaca.Qof iyo Meel Dhaq-dhaqaaqa loo Diidey.Bandow Ma Waxaad u Arkeysaa Tallaabo wax lagu Dejinaayo,Mise  Go,aan Dano gaar ah si loogu Dhammeysto lagu kaco.Bandow markaad Maqasho,Dawladdnimana Waad Maqashey.

ku Ilaalinta Guriga iyo Xakameynta Socodka Dhallinyartu waa mid sida Taariikhda lagu hayo Weligeedba taagnaa.in loo Jaan-gooyo wakhtiga imaanshiiyaha Guriga ee Habeenimo ayaa ah mid Waalidka Carruurta u taalla.Wakhti cayiman oo Guriga la iska Rabaa waxa ay Mushkilado badan ka bad-baadisaa ilmaha ,Ammaanka guud ee Bulshaddana waa u dan.

sida loo kala yar-yahay ayaa loogu hoggaansamaa sharciga ilaalinta wakhtiga imaanshiiyaha guriga.Markaad Mid ka mid ah ubbadkaagu guriga soo qaraaco 12-ka habeenimo,adiguna aad guriga timi 7 fiidnimo,Wuxuu ku Maqnaana aan la garaneynin waxa aad Ogaaneysaa Daciifnimada labada waalid.

Qof nolol iyo Mustaqbal sameysanaaya,Dadka Dhex-galaaya oo ku socda han sare,Asxaabtiisa raali-gelinaaya,ka Qeyb-galaaya munaasibado iyo caweysyo kala duwan haddii Bandow lagu soo Rogo isna Fulinta iyo amar Qaadashada Ayuu hor istaagaya oo Bandow ma rabo.

habsanka iyo daahidu waxa ay turjumaan xumaan wakhtiga habeenimo.Dhallinyartu haddii ay  habeenkii horre u hoydaan waxa yaraada Dembiyada sida dhaca,dilalka ,Shilalka,Tuugada,Cabbitaanka Khamriga iwm.Meelaha ugu muhiimsan ee ay tahay in horre looga hoydo ayaa ah Jidadka iyo Xaafaddaha Dhexdooda.

Hab ay isku abaabulaan Dhallinyar badani habeenkii oo Waxyeello leh ayaa Jirta.Falal lagu kaco Habeenkii oo aan Maalintii Suurtagal aheyn Ayaa bandowga Habeenimo wax weyn ka taraa.Haddii Dalalka qaar Maalin-qudha ay Dawladdu bandow ku soo Rogto,waxa Tirakoobyadu ay sheegaan in Heerka dembiyadu maalintaasi uu hoos u dhaco.

in Waalidku Guriga ku soo Rogo loogana barto wakhti cayiman oo la soo Xaroodo lana Joogo Taasi ayaa ah Bandowga guriga iyo Bandowga waalidku Carruurtooda Dusha ka saaro.Teenage Curfew.Wiilka Dhallinyarta ahina waa in uu fahmo oo uu garto in Xakameynta xagga wakhtiga ee Waalidka ama Dawladdu ku heysaa uu yahay mid isaga lagu Hagaajinaayo,Qiimana loogu yeellaayo.

Abdifataah M.Ahmed

Gambiile10@gmail.com

 

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60