Search Here:-

Buugga Gurrac oo noqday Buugii Ugu erayo xulashada xumaa Taariikhda Somaliland iyo fariinta qaldan ee uu sido.

Written by: admin
Published: October 1, 2016     

Buugga Gurrac oo noqday Buugii
Ugu erayo xulashada xumaa Taariikhda
Somaliland iyo fariinta qaldan ee uu sido.

Sanad Cusub oo wanaagsan waa sanadkii islamka, ilahay khayrkiisa ha ina siiyo.

Buuga Gurrac ee dhawaan lagu soo bandhigay Hargeisa, waa buugii ugu erayo qaadasho xumaa ee abid qof Somali wax ku qoraa qoro, Waa buug dano kale laga lahaa oo cidii qortay iyo cidii Tafatirtayba way u badheedheen wax ala wixii fawaaxish ku qoran ula kac ayay ahayd.

Erayada qaawan ee uu Buugga Gurrac xambaarsanyahay waa weerar Cad oo lagu soo qaaday dhaqankeena wanaagsan ee ku salaysan diinteena Suuban, Sidaa darteed waxaa qurux badan in aan wada ilaashano dhaqankeena iyo diinteena oo wixii xumaana dhan uga soo wadajeesano.

Waxaa xusid mudan in markiiba ay qabatay buuggan diiradda maamulaha dugsiga caanka ah ee maxamuud axmed cali mudane Cali Balayax, waxaa xusid mudan dhalinyarada ka dhiidhiday ee facbooga iyo baraha bulshada ku naqdiyey buuggan.

Waxaan halkan ugu baaqayaa xukuumada gaar ahaan haayadaha ay qusaysayso oo ay horayso wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, iyo wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo waliba gudida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo guud ahaan culimada dalkaba.

√ In Buug kasta oo la qoro inta aan lasii dayn ama aan schoolada loo qaybin la hubiyo waxa buugu xambaarsanyahay iyo nuxurkiisa, hadii kale waxay noqon jaantaa rogan oo wixii la doono ayaa laqori.

√ In buugga Gurrac sida ugu dhaqsaga badan guddi baadhis ku samaysa loo diro, hadii ay cadaato inaanu munaasib ku ahayn waddankena laga mamnuuco, qoraagana maxkamad lasoo taago. Hadii kale oo waxba laga qaban waayo waddo halaq ayay noqon oo qaar badan oo kasii xun ayaa la daabici oo kadaroo dibi dhal ayaa iman.

√ Dhaqankeena iyo diinteena suuban waa inay marjac u noqota buugteena madaama aynu nahay dad muslimiina, buugga waqtigu ka galay qoraaga waxaa qurux badan inuu noqdo mid dhaxal gala oo waligii la inti faacsado haday noqoto Taariikh, Dhaqan, Murti, Madadaalo, Diini, iyo culuumta kale ee wax laga faa,idayo. Buugtu waa wacyi galin hogo tusaalayn iyo dhiir galin, maaha inay iyagu dhaqan xumo bulshada u horseedaan sida buugga Gurrac.

√ In Buugta dibada lagu qoray ee wadanka lasoo galiyo la kaantoroolo oo iyagana la inaga hubiyo.

Allaa Mahad leh
Abdiqani Salaf (Kaptanka)
Xoghayaha xidhiidhka gobalda ee xisbiga Ucid.

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60