Daawo : Bulsho Ku Soo Barakacday Deegaanka Balli-Axmed Oo Cusbitaalka International U Fidiyay Adeeg Caafimaad + Sawiro
Written by: Hanad
Published: March 20, 2017
Cusbitaalka International ayaa Adeeg caafimaad ka fuliyay Deegaanka Balli-Axmed, Waxaana adeeggan fulinayay 10 Dhakhtar oo takhasusaat kala duwan haysta, iyadoo mid waliba uu daaweeyay in ka badan 100 Ruux .
Dadkan ka faa’idaystay adeeggan ayaa dhakhtarka ugu dhaw waxaa uu u jira 70km, Sidoo kale Bulshadan waxaa la gaadhsiiyay Deeq Biyo ah .
Deegaannada Somaliland ee Cusbitaalkani adeegan oo kale ee bilaashka ah uu ka fuliyay waxaa ka mid ah, Salaxlley, Cadaadlay, Bali-gubadle, Dacar-Budhuq, Abdaal, Borama, Arabsiyo, Dila, Gabilay, Degmada Maxamed Mooge, Digaale, Bandar Wanaag, Berbera, Xarunta Agoomaha Hargaysa, Wajaale .