Search Here:-

Daawo : Guddida Dhismaha Waddada-Cad Oo Deeq Lacageed Ka Gudoomay Jaaliyadda Seatle Washington + Sawiro

Written by: Hanad
Published: November 30, 2016     

 

Guddida Dhismaha Waddada-Cad Ee isku xidhaysa Hargaysa, Salaxley,  Ina-Guuxaa, ayaa caawa deeq lacageed ka gudoomay Jaaliyadda Seatle Washington Ee Dalka Maraykanka .

Casho sharaf Caawa ka dhacday Hotel Riyaad Ee Hargaysa, ayaa Guddidu Deeqdan kula Wareegtay, waxaana ku sugnaa Madasha, Gudoomiye ku Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada Sheekh Maxamed Cali Geedi, Xog-hayaha Guddida Faysal Cayuun, sidoo kale waxaa ku sugnaa casho sharaftan Hogaanka Guddida Sahan-Barwaaqo, oo kala ahaa Gudoomiyaha Guddida Guud Ee Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Ee Sahan-Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni, Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Cismaan Baane, Xog-hayaha Guud Ee Guddida Yuusuf Maxamed Guuleed, Xog-hayaha Maaliyadda Yuusuf Maxamed Xuseen, Wakiilka Jaaliyadda Seatle Washingtong Ee Deeqdan Wareejinayay Siciid Maxamed Faarax .

Gudoomiye ku Xigeenka Guddida Dhismaha ayaa Deeqdii lacageed ka gudoomay Siciid Maxamed Faarax oo Jaaliyaddu soo wakiilatay, iyadoo cadadka lacagtaasina ay ahayd, 12,000 Dollar, (Laba iyo Toban Kun Oo Dollar) .

Waxaa xusid-mudan in halkaasi laga sheegay lacago kale oo ay soo direen jaaliyadaha Holland iyo Australia oo kala ah, Jaaliyadda Hollland waxay soo dirtay lacag dhan, 3,750 Dollar ( Saddex Kun iyo Todoba boqol oo dollar), Halka jaaliyadda Australia ay soo dirtay lacag dhan, 3000 Dollar, ( Saddex Kun iyo Shan Dollar) .

 

 

 

 

 

 

img_1531

img_1537

img_1551

img_1573

img_1575

img_1580

img_1583

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60