Search Here:-

Degmada Berberi Way U Darsatay Deeqsinimadii Iyo Sooryo Gobeedkii Eng Cali Xoor-Xoor

Written by: admin
Published: September 30, 2016     

DEGMADA BERBERI WAY U DARSATAY DEEQSINIMADII IYO SOORYO GOBEEDKII ENG CALI XOOR-XOOR

……………………………………………………………………………………………………..

Cali Xoorxoor waa dugsi

Danahiisa gaarka ah

Danta guud  ka doortoo

Isku duubnideeniyo

Daacad iyo walaalnimo

Deeqsi waaye dihinoo

Gacantiisu dabar li’i

Duunyada u bixisoo

Sooryeyn ku caanoo

Dadka nolol la jeceloo

Aayaha danbeetiyo

Dalka horumarkiisiyo

Dadku inay sinaadaan

Doonistiisu ay tahay

 

Deeqsinimad iyo gob-soorkuba waa galad Eebbe SWT bixiyo oo qofkuuu doono siiyo, waa haybad iyo hanaan uu Alle dadka ku kala fadilo oo qaarna haynta uu Alle u dhiibay ku dhaganaadaan oo xataa gaadhaan heer  aanay  Zakadaba ka bixin waa kuwa ay Somalidu u yaqaanaan GACANTII GO’ADAY, halka qaar  kalena ay gacantoodu furan tahay oo deeqsinimada iyo sooryeynta darted dadku ku soo majiirtaan dun xariirana loo yaqaan, ragguna intuu is dheerhayay ee lagu kala xushaa waaba inahaas oo geesigu haddaanuu garasho lahayn geedkaa ma gaadho

Gobolka Saaxil iyo magaalo xeebeedka Berbera wuxuu gobolada kale dheeraa Eng Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor-Xoor) oo ah shakhsi gacan furnaan iyo Deeqsinimo ku caan ah oo inta badan gayiga Somaliyeed looga yaqaano GACAL SOORE,  martida u soo hooyata magaalada Berbera habeen kumay qadi jirin oo quudintooda isagaa kafaalo qaadi jiray, qof kasta oo wax uga baahdaa si kal furan ayuu u gudoonsiin jiray maan arag cid ka galad sheeganaysa mooyee cid giriifaysa waligay markay noqoto wax bixinta.

Xoolaha ummada ee khashnadaha ay u samaysteen  masuuliyiinteenu ee ay ku mashquulsan yihiin kaydintooda iyo kala khabayntooda isagu waa Cali’ye ganbo meel ma dhigan  oo wali lama sheegin guri iyo gaadhi cusub oo uu xoolaha ummada ka iibsaday isagoo ahaa Maamulkii marsada ay Somaliland quudataba halka qayrkii wasaarad aan dakhli baddanba lahayn ka weelaysteen malaayiin Dollar iyagoo xatooyeysanaaya kharashaadkii loogu tallo galay ku fulinta qorshayaasha wasaarada.

Cali Cumar Maxamed wuxuu Alle siiyey Bidix barakaysan isagoo caan ku ahaa markuu ahaa Maareeya Dekeda Berbera taakulaynta dadka masaakiinta ah guud ahaan Gobolka Saaxil ku nool wali lama sheegin Cali oo qof wax waydiistay u diiday dhaqankiisa ayaaba kaw ka tahay wax bixintu, wuxuu dhaqaalayn jiray goobaha lagu cibaadaysto ee masaajida, wuxuu kaabis iyo kobcinba ku bixin jiray hadba qorshyaasha horumarineed ee Gobolka Saaxil ku soo kordha haday noqoto kor u qaadida adeegyadda caafimaadka, tayada  heerka waxbarasho, ka hor taga dhaqanada xun xun iyo gacan qabashada dhalinta ku foogan arimaha bulshada ee Gobolka, Cali wuxuu sabab u yahay gobonimada Gobolka Saaxil qayrkii dheer yahay waayo Cid kasta oo timaada wuu sooryayn jiray isaga oo aan Mansab, Maamuus, Qabiil iyo Qolonimo midna aan u eegayn.

Cali waa nin leh sifaha tolmoon ee hogaan horumarineed lagu xusho, Hadday deeq tahay, Hadday dadnimo tahay iyo hadday dul tahayba, hubaal Cali Xoorxoor waa hayin biyo-madaadshe ah, waa oday beelo-daajiye ah, waa daadiheeye xil-kas ah, Cali wuxuu ahaa khabiir dubaalad dheer oo yaqaan sida Dadkiisa,Dawladdiisa iyo Deegaankiisaba laysugu wado, Iminka hadaad tagto magaaladii Berbera oo aad dadka ku nool la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in Cali Xoor-Xoor la tabay oo kaalintuu ugu jiray bulshaduu caawin jiray ay ku banaanaatay, dadkii masuuliyiinta kala duwan ahaa ee Gobolka soo booqan jirayna ay adag tahay in la helo Masuul sidii Cali u sooryeeya oo gobonimaduu gobolka caanka ku ahaa sii joogteeya laguna soo xisaabtamo.

Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi

Contact: 063-4447924

Email:Mfigo04@gmail.ocm

Facebook: Mahamuud Ahmed Baar-cad

 

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60