Search Here:-

Dheeho: Abwaan Gabay hufan Kaga Dhaq dhaqay Ceebtii ay Reer Gabiley Kala Hor yimaadeen Xisbiga Wadani.

Written by: admin
Published: December 2, 2015     

Dheeho: Abwaan Gabay hufan Kaga Dhaq dhaqay Ceebtii ay Reer Gabiley Kala Hor yimaadeen Xisbiga Wadani.

Abwaan Xamse Idiris Ibraahim Oo kamid ah Hal Abuurka Da’da yar Ee Reer Somaliland Gaar ahaana Magaalada Hargeysa ayaa u tiriyay Reer Gabilye Kadib markii ay Calanka Xisbiga mudcaaridka ah Ee Wadani u Huwiyeen ay isla markaana ay Kabo kala Horyimaadeen Masuuliyiin Xisbigaa katirsan Oo Booqday Gabiley Waxaanu yidhi Gabaygu.

Ha’da Gabayga anigoo yarbaan Haari ku ahaaye

Hidaheena Guud iyo Kolkaan Hadafka Eegaayo

Maansadu Halkay leedahaan Hoga tusaalayne

Ka Hiraabta Caawoo kaluu Haybad lee yahaye

Hilbo ragaad wadaagtaan Haduu Hoyga kugu Booqdo

Hibadiisu may ahayn inaad Cay u Hidisaaye

Waan kala Haynwaynaa Tolkay Hadalka Qaarkii

Maxaa Calanka Loo Hiifay Ee Loo Huwiyay Eyga, (Calaashan Calanka Wadan)

Haldoor iyo Nin dhiidhiya Miyaa Haybtii laga waayay

Afka godobta kuma Hiilayee waan hakinayaaye

Xisbi aan Xil haynin Oon Hogaan Lagu dhaliilaynin

Hambalyaa ku Fiicnayd Wadani Hagari waa Ceebe.
Martidiyo Horseedkii Kabaa la Hortimaadeene

Hadaan Gabiley Xaal ay Hurtan Oon Hibo ah lay keenin

Walee inaan Mid lagu Hoobto oo Halisa aan Sheegi.

Abwaan Xamse Idiris Ibraahin.

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60