Search Here:-

Gabay:- Dumarka tii khayrle Taarikhda la tiriyey: 2011 Abwaan:Axmed Fartaag Jawaabtii Rooda Cismaan

Written by: admin
Published: November 18, 2016     

15086309_1234039266655190_1982613916_nGabay:- Dumarka tii khayrle

Taarikhda la tiriyey: 2011

Abwaan:Axmed Fartaag

Jawaabtii Rooda Cismaan

……….

Abwaan axmed fartaag markii uu currinayay gabayga waxa uu  ku sugnaa wadanka Qatar ,waxaana maskaxdiisa iyo maankiisaba ku jirtay oo uu ka fakirayey inuu hello gabadh khayrleh, haddaba dookhiisa, damaciisa iyo dareenkiisaba waxa uu ku cabiray  gabaygan    ” dumarka tii khayrle”.

Gabaygan wuxu kaga hadlayaa sifooyinka wanaagsan ee uu ku dooranlahaa gabadha wanaagsan isaga oo ku liqimaya gabayga  astaamaha gabadha wanaagsan ee habboon in guur loo hollado.Wuxuu kale oo uu ka hadlayaa sifooyinka ka reeban gabadha wanaagsan.gaba gabada gabaygana wuxuu u talla saaranayaa Eebbe oo isagu wax walba gacanta ku haya waxaanu ka codsanayaa dumarka tii khayrleh.mudo ka dib waxa uu abwaan axmed fartaag  ii sheegay in ay kasoo jawaabtay gabadh la yidhaahdo Rooda cismaan oo ku sugan carriga ingriiska.

Roodi waxay kasoo jawaabtay  gabaygii abwaan axmed fartaag  oo iyana waxay ka eegtay xaga ragga iyo ninka wanaagsan iyo ninka ku  haboon sifooyinka uu yeelan lahaa .

Gabayga ay roodi kaga hadlayso ninka wanaagsan ee jawaabtana u gabayga abwaan axmed fartaag  waxaynu ka danbaysiin  doona gabayga abwaan axmed fartaag.

Hadaba axmed fartaag waxa uu ii sheegay gabaygan in laga dheegtay oo wax laga badallay isla markaana laga dhigay hees waxanu hadalkiisu u dhignaa siddan :

”Waa gabay laf iyo jiidhba loo dheegtay oo qisada iyo qaafiyada xarafka intaba la minguuriyey oo la furfurtay”

gabayguna waxa uu u dhigna siddan

…………..

Gabadhi waa inay danteediyo taqaan darris la dhawraaye

Waa inaanay dayac iyo aqoon dabad wareeg baase

Waa inay daryeelkiyo taqaan ubadka doogsiiye

Waa inaanay dudmadana aqoon wuu isoo dilaye

Waa inaanay gurigeeda dumin dadab galkiiniiye

Waa inaanay dalaaqdii isii kula dul taagnaane

Waa inay duruuftiyo waqtiga kula dadaashaaye

Markaad dirato hawlaha diiday yay odhane

Waa inay dabeecad leedihiyo darajo iimaane

Waa inaanay doqon iyo ahaan naag la soo dirro’e

Waa inaanay daad xoorta noqon tii la duufsado’e

Waa inay dadnimo kugu dhaqdaa daacada wacane

Waa inay damiir iyo wanaag Diinta wadataaye

Waa inay dabaylaa dhacee guriga dayrtaaye

Waa inay dalloolada jiriyo daadka moostaaye

Waa inay adoo daal qabana diifta biisaaye

Waa inay darxumo kaa jirtaa cadawga diidaaye

Waa inaanu duryankeedu badan debada ii dhaafe

Waa inay jacayl daajisaa dookha dhawrtaaye

Waa inaanay deelqaaf ku odhan eray aad diidaaye

Hadal dabacsan yeedhmada waa inay daadax noqotaaye

Talladiyo danaha guud waa inay kaa danbaysaaye

Dajiyaan u baahnee Alloow dahabo ii guuri

Waa inay dulmiga kaa jirtaa xumaha dayrtaaye

Alloow deeqa igu beeg iyo tii dulqaad badanle

Marwo aan ku diirsado raboow gaari ila doono

Waxaan kaa dalbanayaa Alloow dumarka tii khayrle 

Aamiin …………Aamiin…………….Aamiin………….

Jawaabtii Rooda Cismaan

Gabaygani waxa uu ka hadlayaa in noloshu ay u baahantahay dheellitir iyo dhaxdin wanaagsan ,waxay rooda cismaan kaga jawaabtay gabaygii uu abwaan axmed fartaag tirriyay ee isugu jiray ducada iyo dardaaran ee uu kaga hadlayay dookhiisa dhinaca dumarka ,  taas oo uu deebbe uga maganyahay oo uu ku ducaysanayay gabadh khayr leh  , dhanka kalana waxay rooda cismaan iyana ay dareen gallisay abwaan fartaag oo ay u iftiimisay in ragga qaar ay iyaga qudhooda fartu ku godantahay waxayna iyana gabaygeeda ku tilmaamaysaa dookha iyo ducada dumarka ee dhinaca ragga waxayna tidhi siddan.

Diinta iyo waa inuu hayaa dawgii Nabigeena csw

Nin waa inuu dantiisiyo yaqaan daadahayn xidide

Waa inuu daryeel iyo hayaa doollar lacageede

Waa inuu ahaada nin dirran deeqsiyoo faxalla 

Waa inaanu duuflaal xun noqon dameeri dhaan raacday

Waa inaanu doollaalada aqoon daymo bahalaynta

Waa in aanu daan kale ku dhixin dumar la baashaalka

Waa inaanu daf-daftiyo aqoon hadalo deelqaafa

Waa inaanu diin cay aqoon dawdar camalkiisa

Waa inaanu waligii ku dillin dumarku waa beere

Waa inaanu doqon iyo ahaan dumar u xoog weyne

Waa inuu dulqaataa hadaad diido cadarkiisa.

maxamuud carab cabdi (sabuub)

                               dhamaad

                              alla mahad leh

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60