Search Here:-

IMTIXAAN wxaa curiyay Abwaan ka qaranka Abwaan Maxamuud Haybe Galaal ‘Maguraan

Written by: admin
Published: September 1, 2016     

14203664_949601998496284_692863833_oGabay ka dareen taabad badan oo ka hogatusaalo fiican kana miisaan culus beryahan maan arag Waa gabay waano iyo waxsheeg u ah Dad ka wada dhashay ee dhibaatadu ku dhex martay deegaanada Ceelafweyn Rabbi dad keena xaqa ha tuso hana hanuuniyo Magaca tixdani waa IMTIXAAN wxaa curiyay Abwaan ka qaranka Abwaan Maxamuud Haybe Galaal ‘Maguraan, Rabbi miisaanka xasanaadka haw saaro Abwaan keena qiimaha badan inagana haynagu anfaco Ka bogasho wacan gabayga..

Imtixaan gabayy. Malintii shaqaqadii hore ee cell afwayn ………………………………………………. Mar hadii an aaniyo qabiil, abid la daynaynin Oo ayy aftaag wadda rabaan, uumiyuhu maanta Aan dunidan lays aaminayn, dhimay abkeeniiye Aroortii timaadaba hadaan, xumo aloosayno Aan ehel is wadda gawriciyo, eebo talinayno Ayaan daranayaal baynu nahay, idil ahaanteene Astaantiina waa xoorray iyo, aayihii qarane Eberra waxan ka joogna halqiga, aragtidaydiiye

Indhihiyo hadii aad furtaan, eegmadiyo maanka Oo aadd amuuraha laqabo, aadd u dhuganayso Ama aad aduunkiyo wakhtiga, hayso umalkooda Ubaxiina maydaan cunteen, sida ugaadheede Oo ehelka kugu xeeran iyo, udub dhaxaad kaaga Ardaagooda maydaan gubteen, oogta waa beriye Agnaan foororiyo baynu nahay, wadda aqoon gaabe Imtixaanka idinbaal mariyo, eelku waa badane Daymada iftaxa hooy waxbaa, ku arki doontaane

Halkii lagu abuuriyo dhulkuu, eebe ugu deeqay Ee uu awoow iyo awoow, ku intifaacaayey Nimanbaa awood lagaga hirey, eegan maanta ahe Oo weliba ubadkuu dhaliyo, aqaladuu jeexday Itaal lagaga meel mariyey iyo, aarmi xoogbadane Ay ooryohoodii waqtigan, kala irdhoobeene Oo amar kutaalayn xuniyo,aafo baas qaba e Waataa israa’iil dhulkii, ooodo Falastiineee Imtixaanka idin baalmariyo, eelku waa badane Daymada iftaxa hooy waxbaad, ku arki doontaane

Markay aadumiintii qarnigu, eegtay tamartiisa Ee ay albaab loomariyo, garatay iintiisa Waataa ardaagii LA ridey, liibiyoo adage Ee beledki iimaanka qabay, olol ka muuqdaaye Wixii ay anfaco xoogsadeen, eegga laga qaadye Irbadna gacanta looguma hanbayn, maanta aradkiiye Imtixaanka idin baal mariyo, eelku waa badane Daymadda iftaxa hooy waxbaad, ku arki doontaane

Ciraaqna maanta waa lagu, araday waxay udgoonayde Oo waxa alhuumaad ka dhacay, aragnay waageere Isirkii la kala qaybiyiyo, ururku naafoowye Ashqaraarka yaalaa ka badan, ulaha geedaaye Amaanna maanta looguma gam’ iyo nabad iftiinkeede Askunkii horiyo waa lacunay, agabki meel yiile Abaanduulayaashii u kacay, oodhfanaw timi e Imtixaanka idin Baal mariyo, eelku waa badane Daymada iftaxa hooy waxbaad, ku arki doontaane

Axdi Lagu ciyaariyo walaal, eedyar lagu toogto Iyo ruux kusoo aaminood goyso, adhaxdiisa Muqdishaw ilmaynaysa iyo, eed wixii falaye Waataa ugaandhiyo labaday, daraanay eegayne Ee ay adoon meel katimi, amar ka qaataane Asaayiii xumaantaa heliyo, waxay abqaaleene Ood nimad wadaagtaan hadaad, uurka kala goyso Afcaall waxa kasoo maxataad, ololi doontaaye Aad urugadeediyo dhadhamin, aramidii kaydde Amleey laysla wada gaadayiyo, aarsi guul ma lehe Imtixaanka idin Baal mariyo, eelku waa badane Daymada iftaxa hooy waxbaad, ku arki doontaane.

Abwaan Maxamuud Haybe Galaal

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60