Search Here:-

Gudaha Ka Daawo :Xafladd Lagu Furayay Sannad Dugsiyeedka 2015-2016 Ee Dugsiga Sare Salaxley Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Salaxley + Sawiro

Written by: admin
Published: August 29, 2016     

Waxaa Maanta magaalada Salaxley ka dhacday Xaflad lagu furayay Sannad Dugsiyeedka 2015-2016 ee Dugsiga Sare Ee Salaxley .

Waxaana ka soo qeyb galay Munaasibadaasi Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Guddida Sahan-Barwaaqo, Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Maxamed Aadan Dhago-weel, Xubno ka socday Ururada Horumarinta Deegaankaasi .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaxley, waxaanu ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu Dugsigu soo maray, isagoo sheegay in uu ahaa Dugsigii ugu horeeyay ee lag furo Salaxley, laguna bilaaabay 12 Arday iyo Laba Macalin .

Maamulaha oo si wata hadalkiisa ayaa waxaa uu sheegay in ardaydii ka baxday Dugsigan ay qaarkood yihiin immika Dhakhaatiir, qaarkood-na ka mid yihiin saraakiisha sare ee Dawladda Hoose ee Salaxley .

Ugu danbeen Maamulaha ayaa sheegay in Ardayda dhameesatay Dugsiga Sare ee Salalxey ay noqdeen ardaydii ugu wanaagsanayd Somaliland, iyado aanay jirin arday keentay Imtixaankii shahaadiga aha ee Somaliland Darajada “ C ama D”, oo ay dhamaantood keeneen darajooyinka A Iyo B .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Kormeere ka socday Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo bogaadiyay Ardayda qalin jabisay ee Dugsigaasi .

Waalid ka mid ah kuwa ardaydoodu wax ka barato Dugsigaasi ayaa hadalo isugu jiray Dardaaaran iyo waano halkaasi ka jeediyay .

Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Guddida Sahan Barwaaqo Cismaan Baane iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Guddidaasi Axmed Guud-cade ayaa bogaadiyay ardaydaasi, waxaanay ballan qaadeen in ay barbar istaagi doonaan dugsiga isla markaana ay ka war-hayn doonaan .

Duqa Degmada Salaxley Shiine Tahar oo halkaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday in uu jaamacadda ka bixin doono ardaydii kaalinta kowaad u galay ardayda ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee Salaxley .

Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Maxamed Aadan Dhago-Weel oo ah Ururka Gacanta ku hayaa Dugsigaasi ayaa ugu horeen u ballan qaaday Macalimiinta in la siin doono gunooyinkii ka maqnaa, waxaanu halkaasi ka ballan qaaday in labada arday ee kaalmaha labaad iyo sadexaad galay ay kafaala qaadan doonaa jaamacadooda .

C/raxman Ibraahim Dubbe oo ku hadlayay afka Ururka Samafalka Hal-Door oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda dhameesatay Waxbarashada Dugsiga Sare, Waxaanay ka urur ahaan Ballan Qaadeen in ardayga galay Kaalinta Afraad ay kafaala qaadan doonaan jaamacaddiisa .

Af-hayeenka Ururka Barkhadle Maxamed Suudi oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda Dhamesatay Dugsiga Sare, waxaanu sheegay in ay ka shaqeen doonaan horumarinta Deegaanka dhan walba oo ay noqoto .

Si kastaba ha ahaate Xafladan ayaa ku soo gabogabowday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

 

Hoos Ka Daawo Khudbadda Gudoomiyaha Ururka Gacanta Ku Haya Dugsiga Ee Gaaroodi Maxamed Aadan Dhago-weel .


IMG_7353

IMG_7350

IMG_7331

IMG_7308

IMG_7303

IMG_7271

IMG_7256

IMG_7234

IMG_7231

IMG_7223

IMG_7219

IMG_7218

IMG_7216

IMG_7215

IMG_7212

IMG_7205

IMG_7203

IMG_7202

IMG_7201

IMG_7200

IMG_7196

IMG_7192

IMG_7184

IMG_7181

IMG_7179

IMG_7171

IMG_7170

IMG_7167

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60