![]() Links
Taariikh
Gudaha Ka Eeg : Dugsiga HORYAAL Oo Munaasibad Ballaadhan u Qabtay Furitaanka Sanad-dugsiyeedka 2016-2017 + SawiroWritten by: admin Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayey sanad-dugsiyeedka cusub ee dugsiga Hoose/dhexe ee HORYAAL, ayaa lagu qabtay xarunta uu dugsigaasi ku leeyahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay siyaasiyiin, Madax-dhaqameed, Xildhibaanno, maamulka wasaaradda waxbarashada, macallimiinta iyo maamulka Dugsiga, Arday, Waalidiin iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Munaasibaddan, ayaa waxa si weyn usoo bilay una qurxiyey Ardayda dugsiga HORYAAL oo si bilicsan ugu soo lebisatay dirayska il-qabatinka leh ee dugsigaasi caanka ku yahay, waxana maamulka dugsigaasi halkaas kusoo bandhigay tacabka da’yartii uu muddada gacanta kusoo hayey oo madasha ka muujisay akhlaaq wanaag, edaab iyo ixtiraab dheeri ah, iyadoo madaxda wasaaradda waxbarashada ka socotayna ka marag kacday dedaalka dugsiga HORYAAL ugu jiro sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka waxbarasho iyo ka aqooneed ee da’yarta uu gacanta ku hayo. Agaasimaha waxbarashada gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Md Muuse Maxamed Shide oo ka hadlay munaasibadda furitaanka sanad-dugsiyeedka cusub ee Dugsiga HORYAAL oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay maamulka iyo macallimiinta dugsigaas, waxana uu tilmaamay inuu dugsiga Horyaal kamid yahay hormoodka dugsiyada gaarka loo leeyayay, isla-markaana uu si hugan u ilaaliyo manhajka ay wasaaraddu u dejisay tacliinta aasaasiga ah. Dhaqan-yaqaan Muuse Cali-faruur oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay ubadkooda si kal iyo laab ah ugu aamineen dugsiga HORYAAL, waxana uu bulshada deegaanka uu dugsigani ku yaallo ka codsaday inay ku tabarrucaan dhul uu dugsigu dhisme ka binaysto, maadaama oo uu ku jiro dhismeyaal kiro ah. Wasiir-ku-xigeenkii hore ee wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Md Cabdikariin Axmed Mooge oo hadallo kooban oo nuxurkoodu ahaa horumarinta waxbarashada ka jeediyey munaasibadda furitaanka Dugsiga HORYAAL, ayaa ku bogaadiyey maamulka Dugsiga kor u kaca iyo horumarka uu dugsigaasi sameeyey muddadii koobnayd ee uu furnaa, waxana uu waalidiinta kula dardaarmay inay dugsigaas garab istaagaan, maadaama la arkayo wanaaga ka muuqda midhihii uu beerayey oo ubadka yaryar ah. Maamulaha dugsiga HORYAAL Md. Cabdiqaadir Cabdilaahi Caydiid oo madasha hadallo mahadnaq iyo soo dhaweyn u badan ka jeediyey, ayaa dhammaanba waalidiinta ay ardaydoodu dhigtaan dugsiga Horyaal uga mahadnaqay sida ay ubadkooda uga warhayaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay horumarro kala duwan oo dhinaca tayeynta ardayda u badan oo u dugsigu ku tallaabsaday, kuwaas oo keenay inay si xawli ah usoo bataan waalidiinta ku qancaysa inay ubadkooda dugsigan ku aaminaan. Maamule Cabdiqaadir waxa uu sheegay inuu wada-shaqayn ballaadhan la leeyahay wasaaradda Waxbarashada, isagoo bulshada ka codsaday inay ku deeqaan dhul bannaan oo uu dugsigu dhismeyaal ka binaysto, si uu uga baxo dhibaatada dhul la’aaneed ee haatan haysata. Qaar kamid ah waalidiinta ay ubadkoodu dugsiga HORYAAL wax ka dhigtaan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u ammaanay tayada dugsiga, waxana ay ka markhaati kaceen dedaalka ay macallimiinta iyo maamulka dugsigu ugu jiraan horumarinta waxbarashada. Ugu dambayntii waxa halkaas abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadka sanad-dugsiyeedkii dhamaaday iyo kuwii akhlaaq wanaagga muujiyey, waxana madashu kusoo afmeerantay farxad iyo rayn-rayn ka muuqatay Waalidiintii madasha joogtay iyo weliba ardaydii waxbaranaysay.
Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |