![]() Links
Artical
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda Ee Shirwayne Lagu Doortay.Written by: admin
Waxaan qalinka u qaatay inaan lafa gur/iftiimin sharci ku sameeyo muranada ka dhex dhasha xisbiyada ee galaafta xil ka qaadista ama eriyida ama ka saarida xubinimadda xisbiyada, iyo Awoodaha sharci siiyay Gudida Diiwaan-galinta iyo ansixinta xisbiyada Qaranka. Hogaanka xisbi;- waa xubnaha lagu doorto shirwaynaha xisbiga ee shantii sanadoodab mar la qabto xubnahaasi waa Gudoomiyaha, kuxigeenadiisa, xoghayaga Guud, iyo kuxigeenkiisa, sida ku cad Qodobka 25aad 4aad xarafka B. Hadaba waxaanu aragnaa mudooyinka danbe in xisbiyada jsl khilaafaadka soo kala dhex gala in la isugu awood sheegto, oo inta kooxi fadhiisto ay soo saaraan go,aamo xil ka qaadis hogaanka xisbiyadda qaarkood iyo ka eryid ama ka saarid xubinimadii xisbig. Dariiqa loo marayo xil ka qaadista xubnaha hogaanka xisbiga, gudida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxa loo raacayaa sida lagu sheegay Qodobka 25aad farqadiisa 6aad ee xeer Lr 14/2011 oo u dhigan sidan:- Maadaamoo sharicgu sida u qeexay habka xilka looga qaadayo hogganka xisbiga iyo cida soo jeedinaysa iyo tirade uu ku ansaxayo soo jeedintaasiba, Tusaale ahaan xisbiga wadani, Su,aashu waxay tahay Labadii Gudoomiye ku xigeen ee xisbiga wadani Axmed Muumin seed iyo Xildhibaan Faarax oo isna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Wadni sidii xilka looga qaaday ma waafaqsan tahay xeer 14/2011 Qodobkiisa 25aad farqda 6aad? Jawaabta oo koobani waa Maya sababtoo ah lama raacin habka uu jideeyay xeer Lr 14/2011 Qodobkiisa 25aad farqda 6aad, War-saxaafadeedka xil ka qaadistooda waxa lagu sheegay sidan:- Markay diideen:- labada gudoomiye ku xigeen ergadii Suluxa ahayd ee xisbugu u diray Markay diideen:- yeedhmadii Gudida anshaxa Markay ka soo qayb-gali wayeen shirkii xisibiga Gudida anshuxu markay aragtay inay si cad u jabiyeen Qodobka 9aad farqadihiisa 1aad 5aad 7aad 8aad iyo 9aad ee xeerka xisbiga isla markaasna ay ku hawlanyihiin falal xisbiga lid ku ah sidaasna ay ku sifoobeen dhamaan asbaabaha lagu waayi karo xilka xisbiga iyo xubinimadiisaba, si waafaqsan qodobka 37aad farqadiisa 1aad xarafka b ee xeerka xisbiga waxay ka codsadeen in Gudoomiyaha xisbugu hor dhigo gudida fulinta si loo anshax mariyo. Gudoomiyaha xisbigu wuxuu isugu yeedhay gudida fulinta ee xisbiga si ay uga jawaaban soo jeedinta Gudida anshaxa, dood dheer ka dib waxay gudida fulintu cod gacan taag ah ugu codeeyeen xil ka qaadista Labada Gudoomiye ku xigeen iyo xubinmimadiiba waxaana codeeyay 42 xubnood oo Gudida fulinta ee xisbiga wadani ah. Hadba waxay sharci ku noqon lahayd xil ka qaadistoodu iyagoo Golaha dhexe ee xisbigu ku ansixiyo Cod kala badh iyo Hal dheeri ah, Xisibiga wadani wax talaabadan uga horeeyay xisbiga Kulmiye oo isguna talaabadan oo kale ka qaaday Gudoomiye ku xigeenkii Labaad Xil Waabeeyo iyo Gudoomiye ku xigeenkii 3aad Xil Talyanle inkastoo go,aan qaadshada xisbiga kulmiye waxay qaadatay ilaa 8 bilood halka go,aanka xisbiga Wadani ay go,aan ku gaadheen Muddo bil ka yar, Hadaba way kala duwan yihiin habka loo raacayo xil ka qaadista hogaanka xisbiga, gudida fulinta,xubnaha golaha dhexe iyo ka saarista xisbigu ee xubnimadu, xisbiyadu xaqbay u leeyhiin inay cidii ka hor timaada siyaasada xisbiga iyo xeerarkaba inay talaabo ka qaadaan, laakiin talaabadaasi waa inay sharciga waafaqsan yihiin. Sababaha lagu waayo xubinimada xisbi wax si cad u qeexa Qodobka 10aad ee xeer 14/2001 iyo xeerarka xisbiyada, laakiin waa in la raacaa. Xisbiyada qaranku inay xeerarka ku dhaqmaan iyo inaan awooda cid gaar ahi ku tagri falin yaa ku ilaalinaya oo sharcigu awoodaa siiyay? Sharcigu wuxuu awood u siiyay Gudidda Diiwaan-galinta ururada iyo ansixinta xisbiyadda qaranka jsl, gudidaasi hadaba iyagaa ka masuul in ay talaabo ka qaadaan xisbiga aan ku dhaqmayn si damuqraadi ah oo xeerka waafaqsan, Waayo sharcigaa awood u siiyay inay ku dabaalaan xisibiyada si waafaqsan Tayaynta iyo habaynta xisbiyada 25aad faradiisa 7aad oo u dhigan sidan:- Gudidu wax kaloo ay awood u leeyihiin inay Ganaax lacageed oo dhan 30,000,000 somaliland shilin ah dul dhigaan xisbiga ku xad gudba xeernkan iyagoo raacay Qodobka 21aad ee xeer 14/201. Gabo-Gabadii Waxa jirta in gudidu daawato xisbiyada ku xadgudbaya xeerka ee qabanya shirarka Golaha dhexe oo ay ka qayb-galyaan xubno aan lagu dooran shirwaynihii xisbiga oo ah liis lagu kordhiyay xubnihii hore isla markaasna ay codeeyaan oo ay doortaan musharax madaxwayne iyo ku xigeen, iyagii oo sharci daro ah sidii ay sameeyeen xisbiga Wadani shirwaynihiisii Koowaad ee Hargaysa ka qabsoomay 22/10/2016 Ambasdar Hottel, waayo waa inay hubiyaan xubnaha golaha dhex ee shirkaas fadhiisanya inay yihiin kuwii lagu doortay shirwaynihii ugu danbeeyay ee xisbiga, waxa kale oo aanay sixin shirkii xisbiga UCID ku qabsaday Adams INN Hotel 9/10/11/2016 waa xubnaha golaha dhexe ee shirka fadhiyay e inkastooy warbaahinta gudidu ka sheegeen inuu sax yahay shirwaynaha aan caadiga ahayni ee uu qabtay Gudoomiyaha xisbigu hadana wax jirta dad dhealiilayay gudida. Waxa kale oon shaki ku jirin in 3 xisbi ee qaranka jsl ka jiraa inta badan kuma dhaqmaan nidaam waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwoodaba waxaana dhexdooda ka dhaca is muquunin, waxaanay badanka ku dhaqmaan waxa uu gudoomiyaha xisbugu doonayo sababtoo ah ma jiraan xubno xisbiga ah oo bixiyaa qaadhaanka xisbiyadda, Soo Jeedin Waxaan Gudida diiwaan galinta iyo ansixinta xisbiyada qaranka u soo jeedinynaa inay xisbiyada ku ilaaliyaan ku dhaqanka xeerarka iyo nidaamka talo wadaaga ah iyagoo waajibaadka xeerku siiyay dabakhaya , waayo qaranka xilkay u hayaan ee ay u dhaarteen waa inay ku shaqeeyaan oo soo saaraan Xeer-Nidaamiye loo raaco habka cabashada xisbiyadu ay raacayaan, iyo Awaamiir (Directives) lagu toosinayo xisbiyadda si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr 14/2011, Sidoo kale gudidu waa inay ku dhaqmaan xeerka laftiisa, si aanay u lumin dhex-dhexaadnimadoodu kana joogaan wax uu xeerku ka reebay sida Qodobka 14aad, iyo Mabda guud ee loo aassay, inkastoo mararka qaar aad arkayso Gudoomiyaha gudida oo xukuumadda dhex qaadaya ama Madaxwayahana hambalyaynya sida siyaasiyiinta waayo haday iyagu xeerka ku dhaqmi waayaan xisbiyaduna Ma ixtiraami doonaan, balse waa inay maskaxda ku hayaan inay yihiin Gudi Garsoor oo xisbiyada u dhex ah. Hadii xisbiyadu ku dhaqmi-waayaan sharciyada Markay tala dalka ku Guulaystaan ma ku dhaqmi-doonaan si xeerarka dalka iyo dastuurka waafaqsan(Rule of Law)? Jawaabtu waa xagiina Garyaqan Hussein Mohamed jama Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |