![]() Links
Artical
Hamuuntii Tahriibku Halkey Ku Danbaysay? Waxa Qoray Khaalid Bulshaawi.Written by: admin Hamuuntii Tahriibku Halkey Ku Danbaysay? Waxa Qoray Khaalid Bulshaawi. Muddo Sanado Ah Ayay Ahayd Markii Ay Tusbax Afka Laga Furay Noqotay Dhalinyarada Ka Ordaya Dalkooda Ee U Tahriibaya Dhul Shasheeye,Qaarad Kale Ama Dhul Ay Ku Nool Yihiin Bulsho Ay Kala Nolol Duwan Yihiin Oo Aanay Isku Diin Ahayn,Isku Dhaqan Ahayn Oo Aanay Waliba Isku Qaarad Ahayn. Boqolaalka Qof Ee Ka Baqoolay Dhulkii Ay Ku Dhasheen Kuna Barbaareen Waxna Ku Barteen Waxa Ka Mid Ahaa Bulshada Soomaaliyeed Kuwaas Oo Ay Ugu Sii Badnaayeen Dhalinyarada Waliba Dhalinyaradaas Ayaa Usii Badnaa Kuwo Wax Bartay Oo Badankoodu Dhameeyay Dugsiga Sare Iyadoo Ay Ku Jireen Kuwo Jaamacado Dhameeyay Oo Ka Qalinjabiyay.Waxaase Xusid Mudan Inay Ku Jireen Kuwo Ay Nafi Wado Oo Dagaalo Sokeeye Dalalkoodii Dhalan Rogeen Oo Ka Ordaya Colaadaha Ka Aloosan Dalkooda Sida Siiriya Iyo Kuwo La Mid Ah. Iyadoo Tahriibkii Sida Ba,an Saamaynta Ugu Yeeshay Umada Soomaaliyeed Uu Hada Yaraaday Ama Uu Hoos Uga Dhacay Xawaarihii Uu Ku Socday Ayaynu Qoraalkan Kooban Ku Iftiimin Doonaa Sababaha Hoos U Dhigay Xawaarihii Tahriibka Iyo Caqabada Ay La Kulmeen Dhalinyaradii Soomaaliyeed Anigoo Qaybo Danbe Oo Qoraalkan Ah Soo Saari Doono Waxaan Imika Kusoo Koobaynaa Shan Qodob Oo Saamayn Ku Yeeshay Dhalinyaradii Soomaaliyeed Ee Tahriibay Iyo Caqabadaha Ay La Kulmeen. 1:Diintooda: Maadaama Soomaalidu Ay Yihiin Dad 100% Islaam Ah Kuna Adag Mawqifka Diintooda Way Adag Tahay In Ay Reer Galbeedku Ay Si Fudud Shaqo U Siyaan Maadaama Ay Jiraan Ururo Cunsiriyiin Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeeda Diinta Islaaamka Oo Dalalkaas Ka Jira. 2:Xirfad La,aan: Marka Soomaalida La Barbardhigo Bulshooyinka Kale Ee Qaxoontiga Ah Gaar Ahaan Kuwa Suriya U Dhashay Waxay Leeyihiin Xirfado Shaqo Oo Ay Ku Shaqaystaan Sida Dhismayaasha IWM Sidaas Darteed Wadamada Reer Galbeedku Waxay Aad U Daneeyaan Dad Ay Ka Faaiidaystaan Xirfadahooda Laakiin Soomaalidu Taas Kuma Guulaysan Maadaama Dhalinyarada Tahriibtay Ay U Badnaayeen Kuwo Heerka Aqoonta Maadiga Ah Darajo Sare Ka Joogay Inta Badana Reer Galbeedku Ma Jecla Qof Ay Dib Wax U Baraaan, 3:Tiro Badni: Dadka Afrikaanka Ah Ee Ay Soomaalidu Ka Mid Tahay Ayaa Aad Ugu Tiro Batay Wadamada Qaar Sida Talyaaniga Jarmalka Iyo Giriiga Iyadoo Taasi Caqabad Ku Noqotay Inay Helaan Hayaan Nololeed Oo Ay Ku Shaqaystaan Tusaale Ahaan Wiil Aanu Muddo Dheer Saaxiibo Ahayn Oo Soo Wada Barbaarnay Dugsigii Sarena Isku Arday Ahayn Fasalki Koowaad Ayaa Tahriibay Muddo Sanado Ka Hor Ah Hase Ahaatee Maalin Aan Sii Fogayn Ayaan Ogaaday Tahriibkiisa Maadaama Aanan Hore Warkiisa U Maqal,Markii Aanu Ku Kulanay Baraha Bulshada Ayaa Waydiiyay Xaalada Ay Ku Noolyihiin Iyo Kala Duwanaanshaha Hargeysa Iyo Dalka Garmalka Oo Uu Hada Joogo Wuxuuse Ii Sheegay Inuu Ka Qoomamaynayo Wakhtigii Ka Lumay Maadaamo Aanu Waxba Korodhsan Sanado Badan Oo Lasoo Dhaafay Oo Uu Kusoo Qaatay Xaaladaas Qaxoontinimo Wuxuuna Ii Sheegay Inay Aad U Kala Badan Yihiin Qarashkii Ku Baxay Tahriibtiisa Iyo Xadiga Kharashka Soo Gala Imika Oo Uu Sheegay Inaanay Ku Filnayn Nolol Maalmeedkiisa Iyadoo Waliba Dhinicii Qoyskuna Ay Ka Sugayaan Inuu Ku Filnaado. 4:Cadaadis La Saaray : Wadamada Ku Yaala Qaarada Yurub Ayaa Cadaadis Xoogan Saaray In Ay Si Fudud Usoo Galaan Tahriibayaashu Iyagoo Aad U Taageeray Wadamo Badan Oo Afrika Ku Yaala Inay joojiyan Qulqulka Tahriibka. 5: Magafayaashii Iyo Mukhalasiintii Dadka Tahriibin Jiray Oo Badankooda La Ogaaday Lana Raadinayo Ayaa Iyana Sababtay In Qulqulkii Tahriibku Yaraado Maadaamoo Ay Ka Baxeen Shaqooyinkii Dad Tahriibinta Isla Markaana Ay Door Bideen Inay Joojiyaan Shaqadaas Maadaamoo Ay Raadinayaan Badiba Hayadaha Amniga Ee Qaaradaas Ka Jira Iyagoo Kaashanaya Wadamada Ku Yaala Xariijinta Ay Maraan Tahriibayaashu. La Soco Qaybta Danbe…… Waxa Qoray Khaalid Cabdi Bulshaawi. Hargeysa/Somaliland Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |