Search Here:-

Himilo (GABAY) W/Curiyey: Ustaad Nurrudiin Khaliif

Written by: admin
Published: November 27, 2015     

nor1-Hubku waa aqoon dunidataan maanta hagaya e,
2-Haybad malaha duulkaan hawada hirarka jiidhayne,
3-Horyaalnimo ayaa loo hardami hanashadeediiye,
4-Hogaankiyo waxaa lagu tartami himilo dhaadheere,
5-Halgan iyo waxaa lagu jiraa hubin aqooneede,
6-Higsan maayo qayrkii hacooy hadaf la’aan noole.
7-Haloomsiga qabiil waa naqaan hadal la tookhaase,
8-Huteelada hadhkoodaan ku nahay hanadya waaweyne,
9-Hanaqaad iyo malihin halyay hirasho loo raaco,
10-Hoosiis bay hadhmoodaa doqoni horayba loo sheegye,
11-Higsan maayo qayrkii hacooy hadaf la’aan noole.
12-Hubaashii hadaan ina ragoow, hadalka sii qeexo
13-Hirarka cilmiga ninkaan cabdow, faras u heensaysan,
14-Hadal waa la dhaafaye ninkaan howsar ridi haynin ,
15-Hawadaa ninkaan xero ka helin hilinna uu raaco,
16-Heli maayo abidkii inuu hadafyo gaadhaaye,
17-Ha is dhiibo jeeruu cilmiga dhinac ka haaneedo.
18-Halaagii ku dhacay jabaan halistii soo gaadhay,
19-Horashiimo yaa lahaa marbuu hadal ka soo yeedhi,
20-Holac iyo waxaa qabatimay halowyo naareede,
21-Hilibkaa wadhnaa wadada haadu cuni haysay,
22-Hankoodii ma jabin waa kuwaas wali hogaankii ah.

23-Hidaayada ilaahay markuu qolo haleesiiyo,
24-Halyeey baa u kica iyo barbaar, haadda kala gooya
25-Heeryada qabiilkay dhigaan huuno iyo eexe,
26-Haybtoodu waa cilmiyo hidde, inay higaadshaane,
27-Hadafkoodu waa tacliin iyo aqoon hagar la’aaneede.
28-Haasaawaha gabdhiyo haween maba haleelaane,
29-Hees iyo maquutaaan raggood, hadal fannaan duubey,
30-Hammigoodu waa inay dunida mar uun hogaanshaane,
31-Hagar iyo malaha inay hurdaba yara haweystaane.
32-Hantiday ilaashaan dalkana way hawadiyaane,
33-Hilintoosan bay ku hagi bulshada hadhacna wey seexin,
34-Habar wacasho iyo hokh malaha hoogay wali goode,
35-Haayadaha ma tuugaan sidii habar waleecaada,
36- hamba iyo hadhaa maqaataan hilibyo ceebeede.
37-howraartu yay ila durkine haddaan hadalka soo koobo,
38- hor ilaahay baan idiin wacdiyi waanad hurudaane,

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60