![]() Links
Artical
Jidka Mujaahid Qalinkii : Abdifataah M.AhmedWritten by: admin
Jidka Mujaahid……………………….. U magac Bixinta Waddooyin badan iyo Meelo badan oo caan ah Ayeynu in muddo ahba Arkeynaa,Horre Ayaan Farriin ugu soo Dhiibtey Macnaha ku Jira in loo Dhaqaaqo u-Magac-bixinta Goobaha iyo Meelaha Caamka ah ee Bulshaddu wada Leedahay.Waa wax Dhaqami ah Adduunyada in Dal kasta iyada oo la xusaayo lana Xassuusan yahay Magacyadda Dadkii Dalka Halgankiisa iyo Horumarkiisa ku suntanaa in loo Bixiyo Goobaha Taariikhiga Noqon kara. Dad badan oo berrigii Horre taariikh fiican lahaa oo loogu Maggac-darey Dugsiyo,Waddooyin iwm Ayaa Markii dambe kuwo kale oo ka sii wanaagsanaa lagu beddalay oo magac bixin cussub loo sameeyey.In maggacyada Wadooyinka iiyo Meelaha qaarkood la beddelo oo loo bixiyo kuwo cussub Ayaanna ah Mid la arko marka Dad ka taariikh Wanaagsan kuwii horre ay soo Baxaan. Waxa aynu u Joogi doonaa Mustaqbalka meelo badan oo kalena in loo bixin doono kuwo hadda nool marka ay Xijaabtaan si Taariikhdooda xus iyo xassuus looga reebo.u Maggac bixinta cid lagalama tashado inta badan dawladda ayaa sameyn karta amma cid awoodd u leh arrintani in ay ku dhaqaaqdo,Shacabkuna Siddaasi loo soo bandhiggo Ayey ku Qasban yihiin in ay ku soo Dhaweeyaan. Waxaan Dareemayaa in aan la arkeynin Maggac-bixinta Meelo badan Waddooyinka Qaarkood ku taalla iyo Boodhadhka yar-yar ee Dhinac Yaala Jidka,Weli Dadkii lama ay Qabsanin in ay Jid ama waddo ugu Yeedhaan Maggac loo Bixiyey.Tusaale ahaan Dadku marka ay Maanta waddo Tilmaamayaan waxa ay kuu Sheegaan Dhismayaal iyo Meherado caan ah oo ku Yaala,Laakiin haddi waddadaasi loo Bixiyey Magac Mujaahid oo Boodhkiisku yaalo lagama yaabo in ay kugu Yidhaahdo Waddada ama Jidka Mujaahid Hebel…………………….. Markaad Soo Dhaafto Jidka Mujaahid…………………………………………… ee aad kor u soo Qaaddo Waddada Sheekh……………………………………. ee aad ka soo Dhinac leexato Street NO………………………………………………………..waxaad ku soo Dhaceysaa……………………………………. in aragti Qabyaalad iyo Reernimo ku saleysan in Deggmooyinka iyo Xaafaddaha loogu Maggac-bixiyo Ayaa noqotey wax iska caadi ah,Dadka Dalkani taariikhdiisa ku suntan Ayaa meelaha sida Xaafaddaha iyo Waddooyinka waxa loogu kala bixiyaa hadba halka ay degan yihiin Qabiilka ay ka soo Jeeddaan.Suurgal Ma noqoneyso in Mujaahid ama qof caan ah degmo aanu ka soo Jeedin loogu magac darro oo Dadka Ayaa Dhibsanaaya oo odhanaaya Miyaanaan annaguba laheyn Mujaahid. Aragti kale Ayaa iyaduan ah in Marar badan aaney suurto-gal aheyn in dhammaan dadka Dalkani wax u soo Qabtey in loo Helo meelo loo bixiyo,arrintaasi oo dad badan ku beerta Ficil iyo Is-weydiimo la xidhiidha Maxaa kaayaga looga tagayaa.Aragtida Qabiilka iyo Ficilka la xidhiidha in isku-heyb loo Qiimeeyo Qofka maamuska taariikheed dalka ku leh Ayaa marar badan adduunka ka sabbabta in Jid-qudha waddamada qaarkood labadiisa haad loo kala bixiyo laba magac oo kala duwan kkkk. Dad badan Ayaa Dhanka kale talo ku soo Jeediya in la sharraxo oo Qorraal lagu lifaaqo dadka u tilmaamayya Ujeeddada maggac bixintan iyo Qofka loogu yeedhaayo Meesha. Xassuusta laga hayo kuwii dadka soo Dhibaateeyey Ayaa sidoo kale meelo badan laga sameeya taallooyin sida aynu haddaba diyaaradda ugu aqoon-saney mid Markasta Maskaxdeena dib ugu Celineysa Waxyeelladii darneyd ee dadka iyo dalkaba dagaallki soo gaadhsiiyey. Abdifataah M.Ahmed Wararkii ugu dambeeyey
Warar
Nolol La Xasuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 5aad
November 18, 2016
Kullankii Madaxweynaha iyo Hoggaanka SSE (Somaliland Societies in Europe)
September 21, 2016
Gudaha Ka Daawo :Duqa Borama Oo Deeq Gaadhsiiyay Haweenay Sadex Caruura Oo Mataana Ah Ku Dhashy Magaladaasi .
September 21, 2016
Daawo Warsan TV: Xuseen Badmaax oo ka tirsan garabka Musharax Jamaal ee xisbiga Ucid ayaa ka hadlay Arrimaha Bulshada Uu Sheegay Dalku Dabaqado noqday.
September 21, 2016
Waraysiyo khaas ah
Waraysiyo
Somaliland Five Year National Development Plan: A Plan With No Review Mechanism.Part Two
June 2, 2016
Human Rights Centre calls for the immediate release of three journalists detained in Berbera
May 26, 2016
SOMALILAND FOREIGN MINISTER OPENS AMBASSADORS TRAINING AND FOREIGN POLICY WORKSHOP
December 13, 2015
Freedom of expression and public protests in Somaliland
December 12, 2015
![]() Opinion
![]() ![]() ![]() ![]() Taariikh
![]() ![]() ![]() English News
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit. September 26, 2016
![]() ![]() Tafsiirka Quraanka
![]() Special Interviews
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Suugaan
![]() ![]() Diintu Waa nasteexo
Copyright © 2005 - 2022 Maroodijeex.com ®All rights reserved. Designed by Maroodijex Groupe Halkan Riix Gabaldaye
|
HAlkan Dhig 160x60 |