Search Here:-

Koonfur Afrika ( Gabay ): W/Curiyey: Bilaal Axmed Wali.

Written by: admin
Published: November 27, 2015     

Gabaygan wuxuu soo baxay 22/04/2015, kadib markii soomaali badan lagu laayey amase lagu gubay laguna boobay xoolahoodii iyo hantidoodii.

sidaan wada ognahayna wadanka Koonfur afrika ( South afirca) Wuxuu ka mid ahaa wadamadii soomaalidu ay ka taakulaysay siday u heli lahaayeen xornimada, kolkii uu gumaystuhu haystay,
Gabaygan waxaa curiyey Bilaal Axmed Wali, waana kan gabaygu:

Gabaygi (koonfur afrika)

Madaxwayne ayagoon lahayn maamul iyo dawlo
Ayagoo mushaarada ku nool ama majaacaadka
Madawgoo ku saaqiyo darxumo mahadho saamaysay
Midab sooca dhulkoo laga manhiyey madalka ciidooda
Madfaciyo gumaystuhu kolkuu muran ku beeraayey
Maydkooda ayagoon dhaqayn murugtu saaqawday
Masagada shisheeyaha dalbada ama maraykaanka
Marwo iyo ninkeedi kolkii lays ku wada miiqmay
Maxadkiyo aqoonay bartaan mahadho loo diiday
Masraciyo dhulkooday fashaan laga mamnuucaayey
Maalin iyo dharaarteed kolkii madaxu waynaaday
Muddo badan kolkii lagu hurdee laga macaashaayey
Midigtooda ayagoon lahayn cid u maciinaysa
Qaramada midoobiyo intii magaca laatiina
Ayagoon midkoodaba helayn meel cid la ah jiifa

Waataan muftaaxiyo u furay mararna laaluushe
Muruqooda waataan ag dhigay maalka lagu faano
Mooskoon u keeniyo khudaar laga macaashaayo
Marwo iyo haween iyo intii magaca soomaala
Abaalkooda waataan marshoon maxasta qiimaynay
Madfaciyo rasaas miigan iyo miino qalalowda
Malyuumaadka waataan u diray ciidaniyo moode
Halgankooda waataan u maray mowsar iyo qiiqe
Calankooda waataan mudnoon mahadna geeraarnay
Aduunyadaba waatay muteen labada meeloode

Afartaas ma’da iyo wowga iyo marinadaydi dheh
Afrikaanka mudankaan u galay lagu maleeyaa dheh
Madashaan ka qaadniyo darxumo mililicdoodi dheh
Badarkaan u miisiyo galay mudantadaydi dheh
Abwaan miigle halyeeyaan murmayn mara kaciisii dheh
Afarkalana waxa aan mutiyo mudanka qaybtay dheh

Malaaq iyo cuqaal iyo intii maamul iyo dow ah
Masuulada dhulkoodiyo intaan lagaba maarmaynin
Waakaa dukaanada maroo mahadho boobaaya
Ubadkayga waakaa marshoon qaxarka moodsiiyey
Madfaciyo dagaalkiyo colaad muranka yeeraaya
Maalkayga waakaa ka dhigay mudan la qaybtaaye
Makhluuqay gubaayaan dhamaan maalin iyo laylba
Waakaa aduunyada martiyo mid iyo qaaraade
Masalkooda waakaa ka dhigay muruq la tuujaaye
Alahayoow adaa maaligoo maamul taliyaaye
Adigaa aduunyada madd dhigay laga macaashaaye
Adigaa musiibiyo wanaag mawlahoow haga e
Muslimiinta duulkaa ka qabo magane laynaaya

Mahadsanidiin

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60