Search Here:-

Muuq La ‘Aanta Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Maweelada Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer

Written by: admin
Published: November 18, 2016     

Inta badan bulshada gobolka togdher waxay la tacalayaan abaarta baahsan ee dadka, dalka iyo duunyadaba samaysay, abartasoo ah mid ilaahay moyaane cidkale aysan waxba ka qaban karin xukuumadana ay ku fashilantay inay qorsha ka samayso ka hortagista abaaraha soo noqnoqnaya,

Gobolka togdheer oo ah mid ku sugun xaladaa aynu soo sheegnay waxaa barbar socda kaanbayn culus oo ay wadaan xisbiga mucaaradka ah ee wadani kuna doonayaan inay hantaan dhamaan dhalinta ku sugan gobolka togdher waxaana hogaaminaya kaanbaynkaas hogaamiyaha xisbiga wadani,

Hadaba bulshada qaybaheeda kala duwan waxay is waydinayaan halkay u muquurteen kaadirintii xisbiga kulmiye u fadhiyay gobolka togdheer, iswaydiimahaa waxaa daba socda waqtigii uu samaale wasiirka maaliyada ahaa marka uu soo gaaro gobolka togdheer waxuu ahaan jiray wasiir shirarkiisa iyo lakulanka bulshada qaybaheeda kala duwan aad u badan goobta uu joogana ahayd mid camiran.

Dhinaca kale waxaa ku sugan gobolka togdheer wasiirka maaliyada jamhuuriyada somaliland waxayna ka tirsantahay madaxda sarsare ee xisbiga kulmiye, intii ay kusugnayd gobolka togdheer waxay ahayd mid aan laga dareemin degmada iyo gobolka, xubnaha u qaabilsan xukuumada iyo xisbiga kulmiyana umaysan muujin soo dhawayn waxaana la dareemayaa inay ku noqotay gobolka togdheer marti, waxayna sugaysaa gurmad xisib oo uga yimaada caasimada somaliland ee hargeisa, dhanka kalena xisbiga kulmiyana uu yahay mid sheegta kan ugu cududa wayn xisbiyada ka jira gobolka togdheer.

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay hogaamiyaha xisbiga wadani cida uu kaanbaynka u qaabilsan yahay umaysan cadayn inay yihiin kuwa u diyaarsan kasbashada buslshada qaybaheeda kala duwan ee gobolka togdheer, inagoo ogsoon in loo baahan yahay dadaal misaankiisa leh inay la yimadaan cida donaysa inay dalka madaxwayne ka noqoto.
Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaa ii muuqata in xibul xaakimkii kulmiye xubnihisaa dhaqaalaha u hayay iyo madaxdii gobolka u fadhiday qaar u baneeyay xisbiga wadani degmada iyo gobolka ayna baneyeen gobihii xisbiga kulmiye u camirnaa.

Gaba gabada ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxay tahay insha alaahu doorashada way dhacaysaa mudda kordhina ma jirto, xisbiyadana ilaa hada jaanis ayay haystaan.

wadaniga ma weelada wada iyo maquurista kulmiye bulshada way ka warsugaysaa.

Wararkii ugu dambeeyey
hqdefault
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
xuseen-belel
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
Maxamed
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Maxamed-Kayse Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60