Saamaynta Dabayshii Isbedelka ee Hogaaminta Maraykanka (Xogta Dahsoon)
Written by: admin
Published: November 18, 2016
Dabayshii isbedelka siyaasadeed ee sida kedisada ah xafiiska madaxweynanimada Maraykanka u keenay Donald Trump ayaa waxa ay hadda neecow saxansaxo ah oo ay ku raaxaystaan u noqotay labada aqal baarlamaan ee wadankaasi oo ay hore aqlabiyada u lahaayeen Xisbiga Jamhuuriga oo iyagu haatan wada haysta awoodda Golaha koongareeska. Aqalka odayaasha iyo Guriga cad ee madaxtooyada.