Search Here:-

WAL-WAL Gabay baaq nabadeed ah By Haldeeq

Written by: admin
Published: June 7, 2016     

Abwaan-CartanWAL-WAL

Gabaygan “WAL-WAL” waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq” 07/06/2016 waa gabay qaylo dhaan nabadeed  ah, waxan gabaygan u dirayaa  walaalaha isku xasuuqaya  deegaannada kala duwan ee Soomaalida, gaar ahaan  Jaamac Dubbad  iyo Goobaha kale,,, wuxu leeyahay, idinka oo cadawgiinnii maanta isugu kiin soo habar wacday, oo birtu idin saaran tahay, abidkiin ha isu haysanina reer hebel iyo reer hebele, raggii aad is hayseen waa idin hayaaye, indhaha kor u qaada, “Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille” wuxu ku bilaabmay sidan:-

 

Wal-walka iyo fooraha cirkaa, laga wacaalaaye

Felegga iyo waayaha haddaad, ciidda waramayso

Dabaylaha wareegiyo haddaad, weedhka bari eegto

 

Waa wareeydu waa meel shishiyo, wiida dhiilladuye

Waa hal iyo waraaboow adaa, laysu kaa wacaye

Waa lays warsanayaa markuu, helay wacaashaada

Cadaw kaa warhelay baa hinqaday, labada weedhoode

 

Waafi  waxad ahaataba marbaad, waylo didisaane

Markaad waayo joogtaba marbaad, weyso jabaysaane

Waqaa weerar joogiyo qabiil, waysu wadhataaye

Wayraxaagu waa kii ku xigay, inaad ku waydaaye

Wadnahaaga leeb ganay abiid, haw wanaag dayine

 

War-jaafiyo go’ wayniyo ha lulin, weeran dhagareede

Weligiin wax-yeellada xigaal, kama wantoowdaane

Weji gabaxa ceebta leh waqiin, kama wayiigtaane

War Iblaysku sheegiyo nacdiir, kama walaacdaane

Waalallawga beeniyo waxa daran, kama warkeentaane

Wisiisiga ma daysaan haddana, guul ma werisaane

Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille

 

Liciinkiyo waswaaskaa rabtaan, wanan u loogtaane

Wabiinkii  dhawaaqaaba waa, idin waraabshaaye

Washaysiga u wayn baad qabiil, go’ ugu waabtaane

 

Weel dhuuni waayeel hadduu, welefku kaa qaato

Waa wallacadda gaastoo aqoon, waa ka weel madhane

Waxar laguma aammino hadduu, yahay walaalkaaye

Adiguna wedkaagaad hormada, woohow leedahaye

Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille

 

Waafi dhalashadiisii markii, loo wan-qalay saaka

Caku! Walalacdiisii wax xigay, dib u walaandeeye

Maantana wedkiisaad rabtaan, inaad wadaagtaane

 

Waano iyo tusaalaba horaa, uga wallayseene

Waddadoo la seegiyo dadkoo, talada waydaarta

Webi laguma oon tiro hadday, garasho waayaane

Dad warjaafan weeyoo abiid, wahab dul yaallaaye

Adigana warkaagaan hayaa, malihid waan-waane

Aqoontii wareentoo jar baad, sii walhanaysaane

Aniguna wadwaadaan murtida, wawdheh leeyahaye

 

Waxa jooga kaan garan berrina, meel u wadi waaye

Wanaaggaaga ruux jecel aqoon, kuma wacaashaane

Is waydii wax kaa maqan cidlaad, qaran ku waydeene

 

Wehelkiisa kii dilay hadduu, nacab la waalaysto

Weere soo hujuumiyo dhurwaa, wayda baa cuna e

Waxa lagu warmeeyaa halkuu, dhigay walaalkiiye

Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille

 

Wiilashaada haw wadhin dhurwaa, waayo oon qabaye

Waraabaha ha raashimin ayaan, nacab ku weetayne

Witiriirta hays dhigin ayaan, wiirsan cadawgaaye

Waddadii  jabkaagiyo ha marin, wiiqatiyo laage

Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille

 

Ha warmayn awooddaada waad, weheshanaysaaye

Ha is gooynin waaxyaha ayaad, walaqsan laafyaaye

Haysu jabin wadeecada aday, wadhidu kuu taalle

Walaalkaa ha gawracin ayaad, xidhannin weesaaqe

Filkiin haysu wiiqina rag baa, wacad idiin yiille.

 

Afartaa waddeeyaye haddaan, ararta soo waabsho

Waaceensiga Batuunoow adaa, weriya suugaane

Warka geli wargeysyada u sheeg, waano haw taro e.

 

Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”

Hargeysa Somaliland

Haldeeq1@gmail.com

0634194095

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60