Gabiley(Maroodijeex)- Koox ka socota wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ayaa dhawaan daawayn ugu baxday xoolaha soo guurtada ah ee abaaruhu kasoo baro kiciyeen gobalada bari iyo koonfurta gobalka maroodi jeex ee u soo hayaamay gobalada galbeedka gaar ahaan gobalka gabiley.
Dhakhaatiirta ka socotay wasaarada xanaanada xoolaha ayaa muddo toban cisho ah daawaynta xoolaha u samaysay dadkii xoolaha jilicdasan watay ee soo gaadhay gobalka gabiley gaar ahaan degmada wajaale daawaynta oo lagu fuliyay adhiga iyo geela.
Inkastoo ayna jirin xanuuno badan oo ay xooluhu qabaan haddana wasaaradu waxay markasta u taagan tahay wax u qabashada dadka tabaalaysan ee xoola dhaqatada ah ee kasoo hayaamay deeganadoodi.
Dadkaa tabaalaysan ayaa wasaaradu waxay u balan qaaday in markasta la socon doonaan xalada caafimaad ee xoolaha ay wataan soo guurtadu.
Dadka abaaruhu ku dhufteen ayaa aad ugu mahad naqay kooxdii ay soo dirtay wasaarada xanaanada xoolaha ee hawsha caafimadinta xoolaha u samaysay.
Isku soo wada duuboo xukuumada iyo Shacabka somalilland ayaan u kala hadhin taakulaynta iyo caawimaada dadka ay ku dhufatay abaartu, abaartan ayaa noqotay mid saamaysay dad iyo duunyaba