Search Here:-

Yalaalugo (GABAY) W.Curiyey: Abwaan Maxamuud Muuse Cali (Gabbal Qariye).

Written by: admin
Published: December 9, 2015     

gabbal qariye(1)Iyadoo la tusmaynayo siyaabaha lama-arageed ee xaalka iyo xaqiiqada daleed iyo dadeed ku astowdey dhibaatooyinka Bur-bur iyo waxyeellooyinka coleedeed awgood; isla markaasna, u cudur-daaraya naftii la dalwidda waddaniga badan ee haajirey, dhego-ka-furaysi iyo ka xidhmaysi talada iyo hoggaaminta siyaasad daleed ka dib, waxa tixda YALAALUGO tiri::
Qaran yamay, nidaam yuurursaday dawlad kala yaacday
Yuhuun dhimatay, beela is yasoo kala yahuudoobey
Yaahuda colaadaha yufliyo dhiilladiyo yoonka
Yaayuulka iyo qayladiyo belada yoomaysa
Yafanuunka iyo weerarrada yalalka duullaanka
Yaqaan-dhibaha dhiigga u yasliyo yahanka xaaraanta
Yagleel-diidka uunkii gumaad yeyda madhinaysa
Agoon yawle waxa naafo yucan dhaawacyada yaacsan
Xaqootiga yohoomoo dunida meel kastaba yoobsan
Waayeelka wada yuuban iyo nabadda yaaq fuushay
Ummadda an yabyabanayn heshiis wax ugu yeellaada
Anna tala yanfaca qaadanayn ama xal loo yeedhsho
Dadka kala yufoodoo qoliyo reer u kala yaacay
Qabyaalada yabaashoo baxdiyo midowga yaasiinsan
Yeelmaha u go’ay wadajir baa lagu yagleelmaa –e
Dhaqaalaha yackiran iyo bulshada yooxa hoganaysa
Wixii loo yaboohshiyo dalkaba mabadh wixii yiilley
Yacyacood-ku-sii dubashadaa yawgu kala hooshay
Yiciista iyo maatooyinkaan yaabista helanin
Yibalka iyo gaajada bulshada yawyawgiyo oonka
Waddaniga yaxoobiyo caqliga yaarka lagu giijey
Yaryaroodka korayoon tacliin alifna loo yeedhin
Yamaanyuug bukaankoo jirrada yoomey dhimanaaya
Dadweynuhuna wada yuusayaan yuganihii caydhu
Yalalkaa nacfiga hooshayiyo yuurka guranaaya
Yooyootan hoos loo xantiyo yu’asho mooyaane
Yelba lama yidhaahdoo naftaa laga yamxeershaa –e
Yididdiilo beelkiyo ducfiga yaabay keligay –e
Bahaluhu waxay yalamsadaan laguma yoongayn –e
Yucdana kii qof jora laguma dhoco yuuq in loo naqo –e
Mar haddaan yaqaafe u maqnayn oon yamhadad muuqan
Marna himilo yoolwaa tihiyo hore ku yeeshoodba
Oo yeeli-kari-waa shacbigu yaahso damac beelay
Yaxaaska iyo gaanniga qabsaday talada yoolkeeda
Iyo yalaslahaa ku herdamiyo col iyo yaahuuda
Dhaaxaan yureeyoo bulshada yaa arkaay idhi –e
Yiciisnimadu Soomaali waa yoomey tii rogi –e
Yaqyaqsiba haddii laga la’yahay ooy yaxyaxi weydey
Yalaalugada kii uga dalwaan cidi la yaabayn –e.

Wararkii ugu dambeeyey
Warbixin: Abaaraha Gobolka Badhan Iyo Bariga Sanaag https://youtu.be/1hYcK8s04fQ
Habkee Loo Raacayaa xil ka Qaadista Hogaanka Xisbiyadda                       
Warar
Waraysiyo khaas ah
SOMALILAND’S HOUSE OF ELDERS IS DETRIMENTAL TO DEMOCRACY By:Mohammed Dahir Ahmed Democracy d
H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to th
Waraysiyo
dhinaca-bidix
Opinion
Taariikh
English News
Tafsiirka Quraanka
Special Interviews
Suugaan
Kasmo iyo Kaskaaga Q4aad    September 17, 2016
Diintu Waa nasteexo
HAlkan Dhig 160x60